Agaasimayaasha Guud Ma Shaqaale Dowleed Baa, Mise Waa Xilal Siyaasadeed?
October 8, 2020 - Written by admin
Hargeysa(Berberatoday.com)-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Md. Muuse Biixi Cabdi, Ayàa si toos ah Uga jawaabay su’aashan sare ku xusan Isagoo Mawduucan laba jeer si rasmi ah uga hadlay oo kala ahaa mar uu mucaarid ahaa xiligii ay talada dalka haysay Xukuumaddii UDUB iyo mar uu ahaa Madaxweynaha Somaliland bishii December sannadkii 2018-kii oo uu hadal ka jeediyey shir loo qabtay Agaasimeyaasha Guud ee dalka, waxaannu labada jeerba ku dooday in Agaasimeyaasha Guud ay yihiin shaqaale dowladeed, mamnuucna ay ka tahay inay ku milmaan arrimaha siyaasadda iyo xisbiyada siyaasadda.