Maayarka Magaalada Gabiley Oo Beeniyay In Laga Saaray Golaha Dhexe Ee Xisbiga Kulmiye!
October 10, 2020 - Written by admin
“Waxaan Uga Digayaa Dadka Faafinaya Wararka Beenta Ah, In Ka Waantoobaan Baahinta Warar Aanay Hubin”Maayarka Gabiley.
Gabiley(Berberatoday.com)-Maayarka Magaalada Gabiley Maxamed Amiin Cumar Cabdi Ayaa Waxba Kama Jiraan Ku Tilmaamay warar baraha bulshada lagu faafiyay oo sheegaya in laga saaray xubnaha golaha dhexe Ee xisbiga kulmiye
Maayar Maxamed Amiin Ayaa Sidaa ku sheegay Qoraal Uu ku baahiyay barta uu ku leeyahay TWITRER isagoo sheegay in aanay waxba ka jirin uuna kamid ahaa ergooyinkii ka qaybgalay shirwaynaha xisbiga kulmiye ee xubinnimadooda golaha dhexe lagu ansixiyay shirwaynaha xisbiga.