Somaliland: Dawladda Oo U Digtay Muwaadiniinta Isku daya Inay Ka Qayb-galaan Doorashada Baarlamaanka Soomaaliya
October 10, 2020 - Written by admin
Hargeysa(Berberatoday.com)-Shirkii Golaha Wasiirrada Somaliland ee Maanta oo uu shir-guddoominayey Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi ayaa lagaga hadlay hadal Dawladda Federaalka Soomaaliya ku sheegtay in Dadka Somaliland ku matalaya Baarlamaanka Soomaaliya lagu dooran doono Magaalada Muqdisho.
Shirka Golaha Wasiirrada oo sidoo kale lagaga dooday Xeerka waddo-marista oo muddo hor-yaallay ayaa laga soo saaray War-murtiyeed u qornaa sidan: “Arrinka ka soo yeedhay muqdisho ee ah baarlamaan Somaliland metelaya ayaa laga dooranayaa Xamar waa meelka dhac iyo gef loola badheedhayo qaranka Somaliland.