Israa’iil Oo Kumanaan Yuhuudda Itoobiya Ah U Qaadaysa Deegaanadeeda.
October 11, 2020 - Written by admin
Addis Ababa(Berberatoday.com)-Israa’iil waxay qorshaynaysaa in ay Itoobiya ka qaado in ka badan 2000 oo ka mid ah Itoobiyaanka Yuhuudda ah ee ku dhaqan gudaha Itoobiya.
Raysalwasaaraha Israa’iil ayaa dhigiisa dalka Itoobiya u sheegay in dadkan loo qaadi doono gudaha Israa’iil.
Ben Netenyahu ayaa khadka telfanka kula hadlay Abiy Ahmed.
Netemnyahu wuxuu sheegay in uu tallaabadan ula danleeyahay si uu uga dhabeeyo ballan qaadkiisii ahaa in uu Yuhuuda Itoobiyaanka ugu qaadi lahaa deegaanada Israa’iil oo qaar badan oo ka mid ahi ay ku leeyihiin qaraabo.