Ma Run Baa In Axmed-siilaanyo Uu Ka Cudur-daartay Ka Mid Ahaanshaha Golaha Dhexe Ee KULMIYE Oo Lagu Daray?
October 12, 2020 - Written by admin
Hargeysa(Berberatoday.com)-Waxa Shalay la soo saaray Liiska kama dambaysta ah ee Xubnaha Golaha dhexe ee Xisbiga Kulmiye, kaasi oo ka kooban 241 Xubnood.
Liiskaas waxa Lambarka 7-aad ku jira Madaxweynihii hore ee Somaliland Md. Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) oo ahaa Aasaasihii Xisbiga KULMIYE, waxaase Gebi ahaanba ka maqan Xubnaha Qoyska Madaxweyne Siilaanyo oo ay ka mid tahay Marwo Aamina Maxamuud Jirde (Aamina-weris) oo hore ugu jirtay Golaha dhexe ee Xisbiga iyo Wiilka uu Sodogga u yahay ee Baashe Cawil Cumar.