Isku Dhac Ciidanka Booliska Magaalada Wajaale Iyo Dhalinyaro Oo Sababay Dhaawac Hal Qof.
October 16, 2020 - Written by admin
Wajaale(Berberatoday.com)-Ciidamada Booliska Ee Degmo Ganacsiyeedka Tog Wajaale ayaa caawa fiidkii Wiil dhalinyaro Ah ku dhaawacay gudaha magaalada Wajaale, kadib markii ay isku Dhaceen ciidamo roondo ah iyo koox dhalinyaro oo goob ku Cawaynayay.
Wararka laga Helayo isku dhaca ciidanka booliska wajaale iyo kooxdan dhalinyarada ayaa sheegaya in askari katirsan ciidanku markii ay is Afdhaafeen dhalinyarada uu ku furay xabad taasi oo sobobtay Dhaawaca mid kamid dhalinyaradii oo ay xabadu kaga dhacday lugta kaasi oo ay soo gaadhsiisay dhaawac culus oo sobobay in xaaladiisa caafimaadka loosoo gudbiyo cisbitaalka magaalada gabiley, oo hada lagu dabiibayo xaaladiisa caafimaad.