Musharaxa Madaxweyne Kuxigeenka Xisbiga Ucid Prof. Axmed Cabdi Abyan Muuse Oo Ka Hadlay Khilaafka Xisbiga Kulmiye Iyo In Wada Hadalo Usocdaa Xisbigooda Iyo Siyaasiyiin Maxamud Xaashi Kamid Yahay
October 22, 2020 - Written by admin
Hargeysa(Berberatoday.com)-Xisbiga Mucaaradka ah ee UCID ayaa ka hadlay khilaafka siyaasadeed ee ka dhashay Shirweynihii Afraad ee Xisbul-xaakimka Kulmiye iyo siyaasiyiinta laga saaray markii Xisbiga dib u habaynta lagu sameeyay.
Musharraxa Madaxweyne ku-xigeenka ee Xisbiga Mucaaradka ah ee UCID Prof. Axmed Cabdi Muuse ayaa sheegay inay dhici karto isla-markaana hore u dhici jirtay in Siyaasiyiinta ka cadhoodo Xisbi ay tagaan Xisbi kale, maaddaama oo Xisbiyada Somaliland isku mid yihiin, laakiin aanay xilligan jirin wax wada-hadal ah oo u socda Hoggaanka xisbiga UCID iyo Siyaasiyiin uu ka mid yahay Maxamuud Xaashi Cabdi.