Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi Oo Cafis Ufidiyay Raisul Wasaare Kuxigeenkii Hore Ee Somaliya Ahna Xildhibaan Golaha Shacabka Katirsan Maxamed Curmar Carte Qaalib
October 25, 2020 - Written by admin
Hargeysa(Berberatoday.com)-Qoraal Ku taariikhaysan 25.10.2020-ka oo ka soo baxay Xafiiska Madaxweynaha Somaliland Mudane Muuse Biixi Cabdi ayaa lagu sheegay in cafis Madaxweyne loogu ogolaaday dalka inuu kusoo galo Raisul Wasaare Kuxigeenkii Hore ee Dawlada Somaliya Maxamed Cumar Carte Qaalib haddana ah Xildhibaan katirsan Golaha shacabka Somaliya. Waraqda waxa lagu Xusay in cafiskiisa odayaal ugudbiyeen Madaxweynaha iyo wasaarada Arimaha Gudaha Somaliland hase yeeshee laguma sheegin waraaqda cafiska meel uu mawqifkiisii Somaliweyn uu kaga noqday Maxamed Curmar Carte.