Tageerayaashii Gudoomiye Cabdiraxmaan Cirro Uga Codeeyay Deegaanka Goda Weyn Oo Madaxweyne Muuse Biixi Ballan-qaad Iyo Mahadnaq Isugu Daray”Daawo Muuqal
October 31, 2020 - Written by admin
Goda-weyn(Berberatoday.com)-Odayaasha iyo Dadweynaha ku dhaqan degmada Go’da weyn oo ka mid ah meelihii aadka looga taageeray Xisbiga Waddani doorashadii madaxtooyada ee 2017-kii, ayaa Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi uga mahad-naqay xilka uu u dhiibay Agaasimaha guud ee Wasaaradda horumarinta Biyaha Maxamed Xasan Dirir oo ay sheegeen inay aad ugu farxeen markii uu Madaxweynuhu xilkaas u magacaabay.
Dadweynaha iyo Odayaasha Go’ada-weyn oo soo dhaweeyey Agaasime Maxamed Xasan Dirir oo booqasho ku tegay degmadaas, ayaa ballan-qaaday inay codkooda siiyaan doorashada soo socota Madaxweyne Muuse Biixi, isla markaana waxay u soo jeediyeen inuu ka shaqeeyo horumarka degmadaas oo ay tilmaameen inuu wax fiican oo adeegyada bulshada ah ka hirgeliyey Maxamed Xasan Diriri isagoon xil haynin.