Madaxweyne TRUMP Oo Mar Kale Weerar Culus Ku Qaaday Ilhaan Cumar
October 31, 2020 - Written by admin
Washington(Berberatoday.com)-Madaxweynaha Mareykanka, Donald Trump oo goob fagaare ah kula hadlayey boqolaal ka mid ah taageerayaashiia ayaa weerar culus oo dhanka afka ah ku qaaday, Ilhaan Cumar oo ka tirsan golaha Congresska dalkaasi.
Trump ayaa inta uu waday hadal-jeedinta ku soo celceliyey magaca Ilhaan Cumar, illaa ay ku buuqaan tageerayaashiisa.
Sidoo kale wuxuu shaaca ka qaaday in Ilhaan oo ah gabadh Soomaali ah ayna jecleyn Mareykanka, islamarkaana ay ka doorbideyso dalka Yemen, sida uu hadalka u dhigay.
“Ilhaan Cumar waxay jeceshahay Yemen, laakiin ma jecla dalkeena,” ayuu yidhi madaxweyne Trump.