Dad Soomaali Ah Oo Xalay Dil Iyo Dhaawac Loogu Geystay Gudaha Koonfur Afrika
October 31, 2020 - Written by admin
Cape Town(Berberatoday.com)-Kooxo hubeysan oo budhcad Koonfur Afrikaan ah ayaa habeenimadii xalay aheyd weerar ku qaaday dad Soomaali ah oo ku sugnaa gudaha Koonfur Afrika, iyagoona u geystay fal iskugu jiray dhimasho iyo dhaawac.
Budhcadda ayaa weerarkaas ku qaaday dukaanka ganacsatadan Soomaalida ay ku laheyd deegaan lagu magacaabo Cosmos oo ka tirsan Magaalada Johannesburg, iyagoona halkaas ku dilay laba Soomaali ah.
Sidoo kale Raggii hubeysnaa ayaa hore dhaawac Culus ugu geystya meel ku dhow Cosmos nin kale oo Soomaali ah, isla markaana halkaas ku lahaa goob Ganacsi, kaasi oo si deg deg ah loogula cararay xarun Caafimaad.