berberatoday.com
Mulkiilayaasha Warshadaha Roodhida Soosaara Ee Gobolada Galbeedka Somaliland Oo Qimiihii Lagu Iibsan Jiray Roodhida Kor Uqaaday
November 5, 2020 - Written by admin

Hargeysa(Berberatoday.com)-Shir Doceedyo Maalmihii u danbeeyay bishii Hore ee tobnaad Ay yeesheen Mulkiilayasha warshadaha Roodhida ee Magaalooyinka Hargaysa,gabiley,wajaale iyo Boorama ayaa lagu soo gunaanaday in sare loo qaado qiimaha Roodhida, iyagoo Isla qaatay Mulkiilayaasha iyo sheerlayaasha Warshadaha Roodhida sameeya in si aan tudhaal lahayn sare loogu qaado qiimaha Roodhida lagu iibiyo, iyagoo kordhiyay Laban-laabay qiimihii hore loogu iibin jiray Roodhida . Anagoo u kuur galay in sixir barar ku yimid qiimihii ay ku soo iibin jireen Warshadlayda Roodhidu Daqiiqda waxaan ogaaday in Kontonka  50Kg ee daqiiqda ah  in ayna ku kordhin wax saamayn kara Qiimaha lagu iibin jiray xabbada Roodhida  gabdadda Daqiiqda ah.

Hadaba heshiisyada ay wada galeen waxaa buddhig u ah Qodo badan Warshadaha ku yaala Hargaysa,boorama, gabiley iyo Wajaale.

1;In Warshadaha Roodhidu qiimaha xabada Roodhida ah ka Dhigaan 2500 Shilinka Somaliland, halka ay markii hore ka ahayd 1500 Shilinka Somaliland, korodhka ayaa ka  dhigan in la laban-laabay qiimaha xabbada Roodhida ah.

2;In mulkiilayaasha iyo Sheerlayaasha Warshadaha Roodhidu heshiiska ilaaliyaan Isla markaana la ganaaxo Warshada jabisa heshiiska .

3;In warshadaha cusub ee Roodhida sameeya ay bixiyaan Lacag Aad u badan, Isla markaana ay marka hore saxeexaan in ay ku Dhaqmayaan Heshiiska ay warshadlayda hore u gaadheen . Isku Soo wada duuboo korodhka qiimaha Roodhida ee uu sabobay heshiiska mulkiilayaasha iyo sheerlayaasha warshadaha Roodhidu ayaa saamayn balaadhan ku yeelanaya nolosha bulshada Gobollada galbeedka Somaliland.

Dhanka kale Wasaarada  ganacsiga iyo warshadaha Somaliland Ayaan waxba kala soco kor ukaca Qiimaha roodhida ee ay warshadaha roodhidu sameeyeen kuwaasi oo shacabka si Arxandaro ah ugu heshiiyay xili aanay jirin wax keena kor ukaca intaa lee gee xabada roodhida ah halka wasiirka wasaarada ganacsigu aanu waxba kala socon xaaladaha ganacsiga ascaarta Somaliland oo ganacsatada gacanta ku haystaa ay isku bahaysteen sidii shacaba dhiigooda ay umiiran lahaayeen

Si kastaba ahaa waxaa lagawar sugayaa talaabada ay wasaarada ganacsigu ka qaado kor ukaca ay ku heshiiyeen warshadaha roodhiga ee ka hawlgala gobolada galbeedu

 

 

 

 

Xigasho Wajaalenews.net

COMMENTS
- A. N. & Horumarka
- Afka Hooyo
- Afnugaal
- Aftahan
- Alaybadday
- Aljazeera
- Aljzeera English
- Allaybday
- Almisnews
- altaqwaa
- Amiin Caamir
- Araweelo News
- ASKAR'S BLOG
- awdalpost
- BBC SOMNALI
- Berberatoday
- Berberapress
- Burao university
- Burco Online
- Caroog
- djiboutimedia.com
- Djiboutination
- durdurnews
- Farshaxan
- Gabileynews
- Gabiley24
- GabIleytoday
- Gamuur Trading Company
- Gardo
- Geeska.net
- Goljano
- haatufnews
- Hadhwanaagnews
- Hayaannnews
- hornjobs
- Hubaalmedia
- Hargeysa-online
- hoyga suugaanta
- jamhuuriya news
- Murtimaal
- Ogaalnews.Net
- Oodwayne News
- puntboys
- qarannews
- Qodaalnews
- Qtlhost Website
- Raadtv international
- Radio somaliland
- Radio Timacade
- Radiohargeysa
- RadioHargeysa24
- Ramaasnews
- Saaxilnews
- SalalNews
- Sallaxlaynews
- Sanaag.org
- Sanlaawenews
- sdwo
- sheekhumal.net
- Somalilandpress
- Somdaily.com
- Somaligoal.com
- Somaliweyn
- sooyaal
- Timacade News
- TogaHerer
- Togdheernews
- tvSomalilandEurope
- Waaheen
- Wanaagfaris
- warya Tv
- Watershed Legal Service
- WAJAALENEWS
- www.caalaminews.com
- www.radiohargaysa.net
- www.Timacade.com
- Xidigtanews
- XOGDOON NEWS
- Xoriyonews