Madaxweynaha Dalka Taiwan Oo Sheegtay In Xidhiidhka Somaliland Iyo Ka Dalkeedu Midho-dhalayo.
November 6, 2020 - Written by admin
Hargeysa(Berberatoday.com)-Madaxweynaha Taiwan Tsai Ing-wen ayaa ka hadashay xidhiidhka Saaxiibtinimo iyo Diblumaasiyadeed ee Somaliland iyo dalkeeda Taiwan.
Madaxweyne Tsai Ing-wen oo daba socota kulan uu Madaxweynaha Somaliland Md. Muuse Biixi Cabdi toddobaadkii hore Qasriga Madaxtooyada kula yeeshay Safiirka Taiwan u jooga Hargeysa Allen C. Lou, ayaa sheegtay inay ku faraxsan tahay inay aragto iskaashiga Somaliland iyo Taiwan oo midho-dhalaya.
Haweenayda Madaxweynaha ka ah Taiwan Tsai Ing-wen oo qoraal kooban ku baahisay barta ay ku leedahay Twitter-ka ayaa iyadoo toos ula hadlaysa Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi waxay qoraalkeeda ku tidhi “Madaxweyne Muuse Biixi, waxaan ku faraxsanahay inaan arko Iskaashigeena oo midho-dhalaya, inooga ah dalal dimuqraadi ah.”