Safiirka Dalka Taiwan Ee Somaliland Mr Allen C. Lou Oo Booqasho Yimi Dekeda Berbera Iyo Maareyaha Haayada Dekeda Somaliland Oo Ka Hadlay
November 8, 2020 - Written by admin
Berbera(Berberatoday.com)-Maareyaha Haayada Dekedaha Somaliland Siciid Xasan Cabdillahi ayaa faahfaahin ka bixiyay booqasho ay kuyimaadeen Dekeda Berbera wefti uu hogaaminayo Safiirka Dalka Taiwan somaliland ufadhiya Mr Allen C. Lou,
Maaraye Siciid Xasan Cabdillahi waxa uu sheegay in Safiirku kormeer kusoo maray qeybaha kala duwan ee Dekeda hada shaqaysa iyo dhismaha Dekeda Cusub kulamana la qaatay Masuuliyiinta Haayadaha Dekeda Somaliland.
Maareyaha Haayada Dekeda Somaliland Siciid Xasan Cabdillahi oo socdaalka Safiirka Kawara Bixinaya iyo waxyaabaha ay kawada hadleen ayaa Yidhi:”Waxaannu Saaka Kulan muhiim ah ku wada qaadanay Gudaha Dekedda Caalamiga ah ee Berbera, Safiirka Taiwan uu Fadhiya Jamhuuriyadda Somaliland, Mr Allen C. Lou iyo Wefti u hoggaaminayay. Kulankan oo aannu kaga wada-hadalnay bilawga Xidhiidh Iskaashi oo dhinaca Dekedaha Taiwan iyo Dekedaha Jamhuuriyadda Somaliland ah, Sidoo kale, Waxaannu ka wada-hadalnay, Sidii Shirkadaha ka Shaqeeya Hawlaha Maraakiibta ee Fadhigoodu yahay Dalka Taiwan ay u isticmaali lahaayeen Dekedda Berbera,.