Dowladda Beljimka Oo Tallaabo Ka Qaaday Rag Doonayay Inay Gubaan Kitaabka Quraanka Kariimka Ah
November 13, 2020 - Written by admin
Brusless(Berberatoday.com)-Dowladda Beljimka ayaa ceydhisay 5 qof oo udhashay dalka Denmark kuwaasi oo aaminsan fikirka midig fog islamarkana waxa laga mamnuucay muddo sanad ah qorsha ay ku doonayeen inay ku gubaan Kitaabka Quraanka Kariimka.
Falkan ayay doonayeen inay ka sameeyaan magaalada Brussels gaar ahaan degaan ay ku badan yihiin dadka Muslimiinta.
Horraantii sanadkan ayaa siyaasigani xabsiga la dhigay muddo bilooyiin ah dalkaasi Denmark ka dib markii lagu eedeeyay in uu u gefay Islamka, islamarkana uu muuqaalo ka dhan ah Islamka uu so dhigay baraha bulshada uu xisbigiisa Stram Kurs .
Dhacdadan ugu dambeysay ayaa waxay booliiska, Belgium 5 qof uga shakiyeen inay qorsheynayaan in Kitaabka Quraanka ku gubaa degamada Molenbeek-Saint-Jean oo ka tirsan caasimada Brussels, sida ay warbaahinta maxaliga sheegtay.