Somaliland Iyo Qaramada Midoobay Oo Isku Soo Dhawaaday, Ka dib Khilaaf Culus Oo Dhawaan Ka Dhex Qarxay
November 14, 2020 - Written by admin
Akhri Qodobbo Ay Isku Afgarteen Madaxweynaha Somaliland Iyo Ergayga Qaramada Midoobay Ee Soomaaliya Oo Mar Kale Telefoon Ku Wada-hadlay
Hargeysa(Berberatoday.com)-Xukuumadda Somaliland iyo Qaramada Midoobay ayaa ku heshiiyey inay dib u soo celiyaan xidhiidhkoodii Wada-shaqayneed.
Xukuumadda Somaliland iyo Qaramada Midoobay, ayaa dhawaan uu khilaaf culus soo kala dhex galay, ka dib markii sida Xukuumaddu sheegtay ay Qaramada Midoobay Qorshaheeda 5-ta sanadood ee soo socda ku salaysay Qorshaha Dawladda Soomaaliya isla-markaana isku dayday inay Qorshahaa gudaha Somaliland ka fuliso, taasi oo keentay in Somaliland joojiso dhammaan hawlihii Hay’adaha Qaramada Midoobay ka wadeen Somaliland.