Masuul Ka Tirsan Xisbiga WADDANI Oo Saluug Ka Muujiyey Muddada Diiwanagelinta Ee Gobolka Sanaag
November 14, 2020 - Written by admin
Hargeysa(Berberatoday.com)-Xoghaye ku-xigeenka Xisbiga Mucaaradka ee Waddani Jamaal Jaamac Xaamud, kana soo jeeda Gobolka Sanaag ayaa ka hadlay Diiwaangelinta la filayo inay dhawaan dalka ka dhacdo, waxaanu wax aad loola yaabo ku tilmaamay in muddo kooban oo afar cisho ah laga dhigo, isagoo xusay in muddadaas aanay dadku ku wada qaadan karin.
