Ujeedka Kulan Laba Geesood Ah Oo Dhexmaray Somaliland Iyo Itoobiya
November 18, 2020 - Written by admin
Burco(Berberatoday.com)-Shir ku saabsan adkaynta nabadgeliyadda iyo isu socodka bulshadda ayaa magaaladda Burco ku dhex maray Somaliland iyo dawlad deegaanka Soomaalida Itoobiya.
Shirkaasi oo socday hal maalin ayaa la xidhiidhay sidii loo xoojin lahaa amaanka, isu socodka dadka ee labadda dhinac iyo la dagaalanka mukhaadaraadka.
Waxaana shirkaasi dhinaca Somaliland ka qayb galay badhasaabka gobolka Togdheer Maxamed Diiriye Xayd, maayarka Burco iyo badhasaab ku xigeenka gobolka Daadmadheedh.
Halka dhinaca dawlad deegaanka Itoobiya ay shirka ku metelayeen wasiirro, saraakiil ciidan iyo maamulka gobolka Jarar ee DDSI.