Alle Ha Unaxariisto Cumar Carte Qaalib Oo Hargeysa Ku Geeriyooday
November 18, 2020 - Written by admin
Hargeysa(Berberatoday.com)-Alle ha unaxariistee waxaa goordhaweyd magaalada Hargeysa ee Caasimada Somaliland ku geeriyooday siyaasigii weynaa ee Cumar Carte Qaalib.
Cumar Carte Qaalib ayaa mudo dheer u jiifay xanuun soo wajahay isagoona maanta ku geeriyooday magaalada Hargeysa gaar ahaan Cisbataalka Haldoor ee Dr Gaboose.
Ale ha u naxariistee siyaasi Cumar Carte Qaalib ayaa xilal kala duwan ka soo qabtay dowladii burburtay ee Soomaaliya isagoona mar noqday Raysal Wasaare.