berberatoday.com
Puntland Oo Somaliland Kusoo Wareejisay Eedeesane Loo Haysto Dil Uu Hargeysa Ku Geystay”Daawo Muuqal
November 18, 2020 - Written by admin

Tukaraq(Berberatoday.com)-Maamul goboleedka Puntland ayaa maanta dowlada Somaliland ku wareejisay eedeesane loo haysto inuu qof shacab ah ku dilay magaalada Hargeysa ee caasimadda Somaliland.

Saraakiil katirsan labada maamul ayaa eedeesanahaan kula kala wareegay jiida hore ee degmada Tukaraq halkaas ah goob ciidan oo ay hore ugu dagaalameen Puntland iyo Somaliland.

Saraakiisha waxay sheegeen in labada dhinac uu ka dhexeeyo xidhiidh qoto dheer oo ku saabsan qabashada iyo soo dhiibista dadka dambiyada waaweyn soo gala ee baxsadka ah.


Sarkaal ka socday Puntland ayaa sheegay inay dhankooda masuuliyad iska saareen sidii ay u soo qaban lahaayeen eedeesanaha kasoo baxsaday dhinaca Somaliland uguna wareejin lahaayeen.

Ma aha markii ugu horeysay oo ay labada dhinac isku wareejiyaan eedeesanayaal, balse waxay kusoo aadaysaa iyadoo labada dhinac uu haatan ka dhexeeyo colaad ka dhalatay dagaaladii Sool.

Markii ugu dambeysay oo Somaliland iyo Puntland wax la kala wareegaan waxay ahayd january 2019, kadib markii labada dhinac la kala wareegeen maxaabiis lagu qabtay dagaaladii Tukaraq.

 

 

 

Berberatoday.com

COMMENTS
- A. N. & Horumarka
- Afka Hooyo
- Afnugaal
- Aftahan
- Alaybadday
- Aljazeera
- Aljzeera English
- Allaybday
- Almisnews
- altaqwaa
- Amiin Caamir
- Araweelo News
- ASKAR'S BLOG
- awdalpost
- BBC SOMNALI
- Berberatoday
- Berberapress
- Burao university
- Burco Online
- Caroog
- djiboutimedia.com
- Djiboutination
- durdurnews
- Farshaxan
- Gabileynews
- Gabiley24
- GabIleytoday
- Gamuur Trading Company
- Gardo
- Geeska.net
- Goljano
- haatufnews
- Hadhwanaagnews
- Hayaannnews
- hornjobs
- Hubaalmedia
- Hargeysa-online
- hoyga suugaanta
- jamhuuriya news
- Murtimaal
- Ogaalnews.Net
- Oodwayne News
- puntboys
- qarannews
- Qodaalnews
- Qtlhost Website
- Raadtv international
- Radio somaliland
- Radio Timacade
- Radiohargeysa
- RadioHargeysa24
- Ramaasnews
- Saaxilnews
- SalalNews
- Sallaxlaynews
- Sanaag.org
- Sanlaawenews
- sdwo
- sheekhumal.net
- Somalilandpress
- Somdaily.com
- Somaligoal.com
- Somaliweyn
- sooyaal
- Timacade News
- TogaHerer
- Togdheernews
- tvSomalilandEurope
- Waaheen
- Wanaagfaris
- warya Tv
- Watershed Legal Service
- WAJAALENEWS
- www.caalaminews.com
- www.radiohargaysa.net
- www.Timacade.com
- Xidigtanews
- XOGDOON NEWS
- Xoriyonews