“Mulkiilaha Dowladdu Waa Fahad Yaasiin, Mana Laga Yeelayo Burburin….”Xasan Sheekh
November 22, 2020 - Written by admin
Muqdisho(Berberatoday.com)-Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Xasan Sheekh Maxmuud oo ka qeybgalay Barnaamij dood wadaag ah oo su’aalo lagu weydiinayay ayaa sheegay in mulkiilaha dowladda hadda jirta uu yahay Fahad Yaasiin oo ah taliyaha Nabad-sugida Qaranka.
Wuxuu ku eedeeyay in uu waddo sida uu hadalka u dhigay burburin siyaasadeed isaga oo yidhi ”Fahad Yaasiin markii hore wuxuu la wareegay Madaxtooyada, balse waa la ogaa sida uu ka yeelay, sidoo kalena Ciidamada Nabad-sugida ayuu burburiyay, haddana wuxuu rabaa in uu siyaasadda dalka burburiyo.