Guddoomiyaha Xuquuqal Iinsaanka Somaliland Oo Sheegay In Dadka Ladan Iyo Siyaasiyiinta Kufsiga Geysta Xabsiyada Laga Siidaayo
November 27, 2020 - Written by admin
“Maxkamadaheenu waxay xukumaan uun Dadka jilicsan, bal u fiirso Dadka jeelasha inoogu jira, waxa ka buuxa Dad masaakiin ah oo aan looyar loo qabanin…”Gudomiye Baaruud,
Hargeysa(Berberatoday.com)-Guddoomiyaha Komiishanka Xuquuqal Iinsaanka Qaranka Somaliland, Maxamed Baaruud ayaa sheegay in Xabsiyada laga siidaayo Dadka ladan, sida Ganacsatada iyo Siyaasiyiinta ku kaca Falalka uu kufsigu ka mid yahay.
