Agaasimaha Madaxtooyada Iyo Maayarka Caasimada Oo Daah-furay Taallada Taariikhda Qaranka Oo Dib Loo Casriyeeyey
December 2, 2020 - Written by admin
Hargeysa(Berberatoday.com)-Agaasimaha guud ee madaxtooyada, Mudane Maxamed Cali Bile, oo ay weheliyaan agaasimaha barnaamijka Shaqo qaran iyo Maayarka Caasimada Somaliland ee Hargeysa ayaa maanta si rasmi ah u shaaciyey dhismaha taallo casri ah oo xambaarsan Astaamaha taariikhihii ugu waaweynaa ee ay Somaliland soo martay, taas oo laga dhisi doono duleedka madxafka qaranka ee uu dhismihiisu ka socdo badhtamaha caasimadda Hargeysa.
