Xisbiga UCID Oo Xukuumadda Madaxweyne Biixi Ku Tilmaamay ‘Mid Fulay Ka Ah’ Go’aan Qaadashada!
December 3, 2020 - Written by admin
Burco(Berberatoday.com)-Xoghayaha guud ee Xisbiga Mucaradka ah ee UCID Axmed Xirsi Ducaale ayaa dhaliilay Xukuumadda Somaliland ee uu hoggaaminayo Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi.

Xoghayaha guud ee UCID oo Safar ku jooga Magaalada Burco ee Xarunta Gobolka Togdheer ayaa sheegay in sababta ay diwaangelintu u soo gaadhay xilligan ama dib ugu dhacday ay qayb ka tahay go’aan qaadashada Madaxda hoggaaminaysa Qaranka, gaar ahaan Xukuumaddii la soo doortay 2017-kii.