Profesor Ibrahim Meecaad Oo Ka Digay Shirqoolo Ka Dhan Ah Madax-banaanida Somaliland Iyo Damaca Marinka Bada Cas”Daawo Muuqal
December 5, 2020 - Written by admin
Hargeysa(Berberatoday.com)-Prof Ibraahin Maxamed Meecaad Oo Kamid Aqoonyahanka Reer Somaliland Ee Degan Dalka Canada,Kana Mid ahaa Saraakiisii Hormuud ka ahaa Halgankii Dib Uxoraynta Jamhuuriyada Somaliland ayaa si adag uga Hadlay Ergayga Madaxwaynaha Somaliya Umagacaabay Arimaha Bada Cas iyo Gacanka Cadmeed Oo Aanay somaliya gabi ahaanba maamulkeeda Gacanta ku hayn, kana mid ah dhulka Jamhuuriyada Somaliland.
Sidoo kale Prof Ibraahim Meecaad Ayaa ka digay Shirqoolada ay Somaliland usoo maleegayaan Raysal-wasaaraha Itoobiya abiy Axmed ,Madaxwayne Geelaha Jabuuti iyo madaxwaynaha somaliya maxamed cabdilaahi farmaajo oo isagu Aan maamulka Amaanka magaalada muqdisho.