Maamulka Wakaalada Biyaha Berbera Oo Shacabka Ku Wargalinaya Inay Biyuhu Maalinta Beriya Ee Isniinta Maqnaan Doonaan Cilad Farsamo Awgeed
December 6, 2020 - Written by admin
Berbera(Berberatoday.com)-Maamulka wakalada Biyaha Berbera waxay bulshada magaalada Berbera ku wargelinayan inay biyuhu maqnaan doonan maalinta Bari ah sababo farsamo awgeed taasi oo laga shaqayn doono mid kamid dhuumaha / xaawisyada biyaha magalada Keena kaasi oo cilad farsmo soo gaadhay .
Waxaa la bilaabay samaynta goobo uu biyaha kasii daynayo beebkaasi oo shaqaynayey 50kii sano ee udanbeeyey , waxaa uu biyaha kasoo xanbaara ceelasha faradeero oo masaafo dhan 28km koonfur kaga beegan magaalo xeebeda Berbera .
Shaqda beebkan ayaa qaadan doonta mudo ku siman 12 sacadood sida uu sheegay maareeyaha guud ee wakaalada biyaha Berbera Saleeban Cabdi looliye .
Waxay wakaalada Biyaha Berbera bulshada faraysaa inay biyaha dhaansada kana faaidaystaan inta ka horaysa maalinta bari ah .
Berberatoday.com