Dawlada Shiinaha Oo 50 Sano Kadib Calankeeda Ka Taagtay Dayaxa Guud Kiisa
December 7, 2020 - Written by admin
Beijing(Berberatoday.com)-Shiinaha ayaa calankiisa ka taagay Dayaxa, in ka badan 50 sano kaddib markii uu Mareykanku calankiisa xiddigaha iyo diillimaha leh ka taagay halkaas.
Sawirro ay qaadday waaxda Maamulka Hawada ee Shiinaha ayaa muujinaya calanka guduudan ee shanta xiddigood ay ku xar dhan tahay oo ka lusha sagxadda Dayaxa.
Labo howlgal oo hore oo Shiinuhu ku tegay dayaxa ayaysan suurtogelin in calanka laga taago Dayaxa.
Mareykanka ayaa calankii ugu horreeyay ka taagay Dayaxa intii uu socday howlgalkii Apollo 11 sanadkii 1969. Shan kale oo calanka Mareykanka ah ayaa laga taagay Dayaxa ilaa sanadkii 1972.