Ganacsade Soomaali Ah Oo Xalay Lagu Dilay Dalka Koonfur Afrika,
December 7, 2020 - Written by admin
Cape-Town(Berberatoday.com)-Koox budhcad Koonfur Afrikaan ah ayaa saqdii dhexe ee xalay waxaa ay xaafad ka tirsan Magaalada Cape-Town ee dalkaas ku dileen nin Soomaali ah oo kamid ahaa Ganacsatada ku nool halkaas.
Allaha u naxariistee ninkan la dilay ayaa waxaa lagu magacaabi jiray Maxamuud Maxamed Aadan oo ku magac dheeraa Rasta, waxaana lagu dhex toogtay goob Ganacsi oo uu ku lahaa halka loo yaqaano Danoon oo 21-KM u jirta xaafadda Bellville Cape- Town.