Canada: Wiil Soomaali Ah Oo Ku Guulaystay Abaal-marin Iyo Waxa Uu Ku Mutaystay
December 8, 2020 - Written by admin
Toronto(Berberatoday.com)-Wiil Somali-Canadian ah oo la yidhaahdo Nabiil Cabdi Cali oo 28 jir ah, ayaa dhawaan ku guuleystay abaalmarin sannad walba mar la siiyo 30-ka qof ee ugu saameynta badan dalka Canada ee da’doodu ka yartahay 30 sano jirka

Nabiil Cabdi Cali, ayaa Madax ka ah Hay’ad ka shaqeysa Barnamaijyada gargaarka iyo horumarinta oo la yidhaahdo IDRF, taas oo taageerta Dadka ku jira Xeryaha Qaxoontiga iyo Dadka dhibaataysan.