Sweden”Hooyo Waayeela Oo Mudo 28 Sano Ah Guri Ku Xabsida Wiil Ay Dhashay Oo Hadda 41 Sano Jira Iyo Booliska Dalkaas Oo Ogaaday
December 8, 2020 - Written by admin
Stochkolm(Berberatoday.com)-Hooyadan oo 70 jir ah ayaa muddo dhan 28 sanno waxay guri ku yaalla dulleedka Magaalada Stochkolm ee dalka Sweden ku qarineysay wiil ay dhashay.
Hooyadan ayaa wiilka oo 13 jir ah silsilado ku xidhay, iyadoona ku xabistay guriga. Tani waxay ka dambeysay markii ay uur ku taallo ku reebtay wiil hore oo dhashay, kana geeriyooday.
Hooyadu waxay is-tidhi si aad u badbaadiso wiilkan, isla-markaana aanu kaaga foggaan jaceyl ay u qabto dartiis ayay sidaan u sameysay. Muddo 28 sano ah ayuu wiilku guriga ku xabisnaa, kaasoo hadda ah 41 jir.