“Reer Waqooyiga Muqdisho Xilalka Ka Haya, Balse Aan Iman Karin Guryahoodiiba Marti Ama Dulsaar Ayaa Muqdisho Looga Arkaa”Cali Guray.
December 9, 2020 - Written by admin
WEGER IYO KA WAASACAN!!
Burburkii Somalia maxaa ka dembeeyay? Reer Waqooyi iyo reer Koonfureed maaha ee waa Somaliya iyo Somaliland ee yaa Metala dadka Somaliland? Ma kuwii ay iyagu doorteen ee ay Doorasho hal qof iyo hal cod ah ku doorteen mise kuwo aanay Dooranin oo aan dhex joogin ee Muqdisho lagu doortay Muqdishana jooga. Intii ka dambaysay burburkii Somalia Koonfur iyo Waqooyi wixii la odhan jiray meesha wuu ka Baxday. Waa Somaliland iyo Somaliya oo laba dal kala ah, laba dawladood kala ah, xataa laba calan iyo laba lacagayow oo kala duwan leh. In ay mar kale dib u midoobaan oo dawlad keliya ay noqdaan iyo in laba dawladood oo is aqoonsan ay noqdaan labada ilaa hadda midna heshiis laguma aha. Inta ay sidaa tahay runtu waxay tahay in la kala maqan yahay.