Madaxweynayaasha Kenya Iyo Itoobiya Oo Xadhiga Wada Jir Uga Jaray Jid Laamiya Oo Labada Wadan Isku Xidhi Doona
December 9, 2020 - Written by admin
Mooyale(Berberatoday.com)-Raiisal wasaaraha JDFI Abiy Axmed Cali iyo Madaxwaynaha Dalka kenya Uhuru Kenyatta, Ayaa Siwada Jira Xadhiga Uga Jaray Jidka lamiga Ah Ee Mooyaale Oo Isku Xidhaya Labada Wadan.
Jidkan Oo dherarkiisu Dhanyahay 500 Oo Km Ayaa isku Xidhaya Labada wadan Ee Itoobiya Iyo Kenya,kaaso Qayb ka ah Isku xidhka laga soo bilaabo,mombasa,Nairobi Ilaa Addis Ababa.
Madashii Xadhiga lagaga Jarayay wadadan Ayaa waxaa kasoo qayb Galay masuuliyiin kala Duwan Oo labada dhinac Ah.
Jidkan laamiga Ah Ee Hawasa-bule horaa- Yabeelo-Mega-mooyaale Ayaa waxaa kubaxday lacag dhan 6.3 bilyan oo birr.
Berberatoday.com