Degmadda Balli Cabane Oo Xaalad Abaareed Ka Taagan Tahay Iyo Masuul Ka Tirsan Wasaaradda Arrimaha Gudaha Oo Soo Kormeeray.
January 25, 2016 - Written by Berbera Today
Hargeysa(Berberatoday.com)-Cali Xaaji Cabdi “Cali Yaanbo” oo ka Mid ah Saraakiisha Wasaaradda Arrimaha Gudaha ayaa ka hadlay Kormeer uu ku soo Maray Jiido door ah oo ka Tirsan Degmadda Balli Cabane ee Gobolka Hawd.
Cali Yaanbo oo Warbaahinta Maanta u Waramay ayaa Sheegay in Jiidaha hoos taga degmadaasi ay ka Taagan tahay Xaalad abaareed oo Saamayn ku yeelatay Nolosha dadka iyo duunyadda.