Ciidanka Liyuu Booliska Ogaadeeniya Oo In Ka badan 35 Qof ku Dilay Tuulada Jaamac Dubad Ee Ku Taala Hawdka Gaashaamo.
   
Burco(Berberatoday.com)-Ciidamada federaalka itoobiyo  iyo kuwo looyaqaan Newpoliska ,ayaa shalay galab in ka badan  shan iyo sodon qof  ku dilay tuulada Jaamac dubad ee dhinaca bari ka xigta magaalada Gaashaamo.
Wararka  naga soo gaadhaya degaankaas ayaa sheegay in ciidamada Itoobiya ay soo galeen tuuladaas ka dibna  racshiirado rasaasa oo aan aanay u kala aabo yeelin ku fureen xaafadihii tuuladaas,halkaasna ay ku dhinteen dad isugu jira haween,caruur iyo rag.
