Dowladda UK Oo Dhaqaale Maalyaddeed Oo Ku Kacaya $29.2 Million Siinaysa Soomaaliya
December 10, 2020 - Written by admin
Muqdisho (Aftahannews)- Boqortooyada Ingiriiska, ayaa ku dhawaaqday taageero cusub oo maalyaddeed oo ku kacaysa $ 29.2 million) oo loogu talo galay Soomaaliya, kadib booqashadii uu Soomaaliya ku yimid Wasiirka Afrika ee Boqortooyada Ingiriiska, James Duddridge.

Waa booqashadii ugu horreysay ee wasiir ka tirsan dowladda UK uu ku yimaado Soomaaliya tan iyo markii uu billowday faafitaanka COVID-19.