berberatoday.com
Arinta Biyo Xidheenka Gabiley Iyo Siyaasiyiinta Dhabarku Muuqdo Ee Caqabada Ku Ah.”Qore : Aqoonayahan Dahir Maxamud Maaweel
December 11, 2020 - Written by admin
Arinta Biyo Xidheenka Gabiley Iyo Siyaasiyiinta Dhabarku Muuqdo Ee Caqabada Ku Ah.
Sidaa laga wada warqabo waxa ka jira gobolka Gabiley arimo badan oo dhinacyo dhowr ah taabanaya,kuwaasi oo aan doonayno in aan si kooban tooshka ugu qabano marxaladaha siyaasiyan iyo dhaqan ahaan ba isugu maran iyo cidda lugta ku laaqaysa.
Waxa aan diirada saari doonaa arimo dhowr ah oo ay ka mid yihiin qoddobdan hoos ku xusan:-
Arinta Biyo-xidheenka laga hirgalinayo Dooxa Qudhaco(Galooley)
Mashruucan oo madaxweyne Biixi si qarsoodi ah uga dhagax dhigay dooxada loo yaqaano Qudhaco oo ah deegaanka Galooley maalmihii uu booqashada ku joogay Gabiley,waxa ku yaala dhul beero biyood ah,Waa mashruuc balaadhan oo aan la ogeyn caddadka lacageed ee ku baxaya,cidda qaadatay mashruuca iyo lacagta loogu tallo galay in la siiyo dadka leh beeraha uu saamaynayo biyo-xidheenkani.Run ahaan ilaa hadda lama oga cidda qaadatay mashruucan,balse waxa ay shacbiga Gabiley qabaan in mashruucani yahay mid lagu naasnuujinayo siyaasiga weyn ee Cabdicasiis Maxamed Samaale wasiirkii hore maaliyada dowladii halgamaa madaxweyne Axmed-siilaanyo,oo isagu cadkiisa hoos ahaan uga soo dhacsaday Madaxweyne Biixi,waa haddii sida la sheegayaa jirtee.
Dhab ahaan waa mashruuc bulshada Gabiley faa iido u leh haddii lagu guuleysto,balse waxa ay arintani ka cadhaysiisay siyaasiyiin ka soo jeedda gobolka oo aad uga cadhooday ku lug lahaanshaha Samaale ku lug leeyahay mashruucan isaga oon u dhalanin degaan hawsha laga fulinayo.
Waxana arintani taabatay siyaasiga Cismaan Xasan Mire wasiirkii waxbarashada ee dowladii UDUB, oo ka soo jeeda deegaanka laga samaynayo Daamka,isla markaana qaaday talaabohoos ahaaneedoo ah in dadka deegaanka la kiciyo isaga oo dhabarka qarsanaya,waxana arintan loo adeegsaday Chief Caaqil Dayib Cabdi Ciidle,ka dibna waxa la ururiyay bulshada beeralayda ah ee ku nool dooxa oo loogu sheegay in beerahoodu baaba ayaan,ilaa dooxyada ka hooseeya,waxayna meesha la tageen buuq,iyada la sheegayo in dadka qaar sideen qoryo.Waxana ay taasi sababtay in ciidanku ka il horeeyaan rasaasna loo adeegsado.
Intaasi ka dib waxa dhacday in la soo xidho Chief Caaqilkii iyo odayaal kale ka dib markii uu ka muquurtay siyaaasigii daba ka hagayay kacdoonkan lagaga hor tagayay hirgalinta maashruucan faaiidada badan leh,waxana Chiefku xidhnaa muddo laba toddobaad ah oo ay dowlada dhexe haysatay,balse siyaasigani xadhigiisa ku eedeyay Mayorka Gabiley,isaga oo aanu sida la sheegay shaqo ku lahayn dowlada dhexena ayaa xidhatay balse siyaasiga Cismaan Xasan Mire oo maalmihii diiwaan galinta joogay magaalada ayaa xadhiga Chiefka Caaqilka ku shaabadaynayay Mayorka degmada Gabiley Mohamed-amiin Cumar Cabdi.
Dhanka kale siyaasigan dhabarku muuqdo ayaa ka dhex bilaabay beesha uu ka soo jeedo in uu marin habaabiyo arimaha dhaqanka iyo siyaasaba.Waxana uu madaxa isku galiyay beesha,isaga oo cid aan laga wada tashanin u yeedhinaya beeshii balaadhnayd,si golaha wakiilada loo sharaxo.
Siyaasigan oo hore u ahaa xisbigii UDUB ee hirdanka la galay doorashadii 2005 tii xildhibaankii ka geeriyooday kursiga golaha dhexe ee uu maanta ku fadhiyo ilaahay naxariistii jano ha ka waraabiyee Xil.Ibrahim Ahmed Haybe,oo isaga ka gob sanaa kuna dardaarmay markii uu xanuunsanayay in isaga lagu wareejiyo kursiga golaha dhexe ee xisbiga Kulmiye xildhibaanku ku matalayay beesha,madaxweyne Biixina fuliyay balankii.
Waxa kale oo xusid mudan in musharaxa maanta beesha lagu khasbayaa yahay kii ay dowladii UDUB ee Cismaan Xasan Mire wasiirka ka ahaa ay xidhibaan Ibrahim ku dilaysay,oo ay dowladii UDUB doonaysay in la rido ,balse ay tolku ku guntadeen.Waxa la filayay in uu si mug leh uga hadlo xadhiga Chiefka balse may dhicin.Waxaanu sidaa ku noqday Siyasiga dhuumashada dhabarku muuqdo.
Diiwaangalintii Gobolka ee bishan ka qabsoontay Gobolka
Xisbiga kulmiye waxa uu gobol walba u diray xubnihii golaha dhexe ee ka soo jeeday,waxana gobolka yimid wasiirka gobolka Abdiwali Sheekh Abdilaahi,Abwaan Laab saalax,siyaasiyiinta dad a yare ee kala ah,Faysal Qumuj,Cambash iyo intii golaha dhexe ku jirtayba,dhamaantood adduunkii loo soo dhiibay ee diiwaan galinta sidii ay ahayd ayay u guteen,
Balse waxa ay noqotay wadaadkan iyo musharaxa uu tunka ku sitaaba waa ninka golaha wakiilada dhawaanta ku biiray ee Axmed-inni la dhaho meel ay ka hadleen iyo meel ay ka hawl galeen midnaba lama hayo.
Balse waxa xusid mudan siyaasiga aqoonyahanka ah ee Eng.Hussein Aden Cige(Deyr) wasiirkii hore ee ganacsiga dowladii Siilaanyo oo isagu si fiican uga qayb qaatay diiwaan galinta,Lana kulmay bulshadii deganayd deegaanka laga samaynayo biyo xidheenka una sheegay faa iidada uu deegaan ka iyo magaaladaba u leeyahay,islamarkaana ku qanceen bulshadii deegeenku.
Waxa la gudboon siyaasiyiinta gobolka ka soo jeeda in aanay caqaladynin mashaariicda faa iidada u leh,waxa kale oo diirada lagu hayaa bal sida uu siyaasigani uga dabaasho arimaha isku murugsan,iyada oo uu wali chief Caaqilkii Gobolku damiin ku joogo,oo wali la galin arinkiisi.Waxana hubaal in Chiefka la tusay humaag been ah ka dibna lagaga baxay.
Waxaan tooshka ku qabanaynaa cid ka kasta oo ka hor timaada hamiga aqoonyahanka dalka.
Qore : Aqoonayahan Dahir Maxamud Maaweel
fagaare05@gmail.com
COMMENTS
|