Wasaaradda Ciyaaraha Oo Joojisay Tartanka Kubadda Cagta Ee Hablaha Gobollada
December 18, 2020 - Written by admin
Hargeysa(Berberatoday.com)-Wasaaradda Dhallinyarada iyo Ciyaaraha Somaliland ayaa Maanta soo saartay Go’aan ay ku joojisay Tartan kubadda Cagta ah oo Maanta Hargeysa uga bilaabmi lahaa Hablo ka socda Gobollada Somaliland.
Wareegtu uu soo saaray Agaasimaha Waaxda Ciyaaraha ee Wasaaradda dhallinyarada iyo Ciyaaraha JSL Cabdirashiid Caydiid Yaasiin ayaa lagu sheegay in Wasaaraddu joojisay Tartankii kubadda Cagta ee kooxaha Hablaha ah ee Gobollada dalka, ka dib markii sida uu Agaasimuhu sheegay la jebiyey nidaamkii loo dhigay Tartankaasi, kaasi oo ahaa inaan la baahin Muuqaallada Ciyaaraha dhex maraya Naadiyada Hablaha.