Wasiir Faratoon Oo Sheegay Inaan Soomaaliya Awood U Lahayn Inay Joojiso Dhaqan-gelinta Heshiiskii Somaliland Iyo Kenya
December 19, 2020 - Written by admin
Hargeysa(Berberatoday.com)-Xukuumadda Somaliland ayaa sheegtay in aanay Dawladda Soomaaliya awood u lahayn isla-markaana hor-joogsan karin heshiiska ay dhawaan Magaalada Nairobi ku kala saxeexdeen Somaliland iyo Kenya.
Wasiirka Wasaaradda Arrimaha dibedda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Somaliland, Yaasiin Xaaji Maxamuud Xiir (Faratoon) oo Shalay ka qayb-galay dood Laanta Afka Soomaaliga ee idaacadda BBC-du ku falan-qaysay heshiiska Somaliland iyo Kenya ayaa sheegay in aanay Soomaaliya carqaladayn karin hirgelinta heshiiskaasi oo u yaalla Dawladaha Kenya iyo Somaliland.