Ujeeddada Safar Madaxweyne Farmaajo Ku Tagay Jabuuti
December 20, 2020 - Written by admin
Muqdisho(Berberatoday.com)-Madaxweynaha Dawlada Xamar Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo wafdi uu hoggaaminayo, ayaa u ambabaxay dalka Jabuuti, halkaas oo uu kaga qeyb geli doono Shir dalalka xubnaha ka ah Urur-goboleedka IGAD ay kaga arrinsanayaan xaaladda gobolka, gaar ahaan xiisadda u dhexeysa Soomaaliya iyo Kenya.
Dowladda Soomaaliya, ayaa sheegtay in diblumaasiyiinta Soomaalida ay Madaxda dalalka IGAD hor dhigi doona aragtida Dowladda Federaalka Soomaaliya ee ilaalinta Madaxbannaanida waddamada ku mideysan IGAD, daris wanaagga, xasilloonida iyo nabadda gobolka Geeska Afrika.