Maraykanka Oo Xeebaha Soomaaliya Geeyay 2500 Kamid Ah Ciidamadeeda Badda
December 23, 2020 - Written by admin
Muqdisho(Berberatoday.com)-Dowladda Mareykanka ayaa illaa 2500 kamid ah ciidamadeeda badda ah geysay xeebta Soomaaliya si ay uga qeyb qaataan daabulka 800 oo askari uu Maraykanka kala baxayo Soomaaliya, taliska Maraykanka Afrika ayaa sheegay Talaadadii maanta.

Taliska Maraykanka ayaa war-saxaafadeed ku sheegay in tiro yar oo ciidamo ah ay kusii nagaanayaan gudaha Soomaaliya, si ay u ilaaliyaan joogitaanka diblomaasiyiinta Mareykanka ee ku sugan Soomaaliya.