Dawladda Jabuuti Oo Wefti U Dirtay Xuduudka Soomaaliya Iyo Kenya
December 24, 2020 - Written by admin
Jabuuti(Berberatoday.com)-Dawladda Jamhuuriyadda Jabuuti ayaa sheegtay inay Wefti u dirayso Xuduudka ay wadaagaan Dalalka Soomaaliya iyo Kenya, ka dib markii urur-goboleedka IGAD uu Jabuuti u xil-saaray inay xal u raadiso khilaafka ka dhex jira labada dal ee Kenya iyo Soomaaliya.
Wasiirka arimaha dibadda dalka Djibouti Maxamuud Cali Yuusuf oo u warramey saxaafadda ayaa si rasmi ah u shaaciyey in wafti ka kooban mas’uuliyiin ka tirsan dowladda Djibouti oo iskugu jirra diplomaasiyiin iyo saraakiil sare oo milatari ay Maanta ahaan u amba bixi doonaan Soomaaliya.