“Reer Jabuuti Nin Sii Dooran Doorashadiisa, Maxaa Uga Dan Ah”Siyaasi Cali Guray.
December 25, 2020 - Written by admin
Hargeysa(Berberatoday.com)-Kelitalisnimadu way noocyo badan tahay. Ta ugu casrisan waxa la yidhaa Dumuqraadiyadda Kelitalinta (democracy of dictatorship). Doorashadu mar kasta si nabadgelyo ah way u dhacdaa laakiin tartan xalaal ahi ma jiro waayo marka madaxwaynaha xilka hayaa ku dhawaaqo in uu taagan yahay doorshadu way dhamaatay ayay ka dhigan tahay guushina waxay raacday ninkii gaarka u lahaa ee aan cid ku qabsan kartaa jirin waana Madaxwaynaha xilka haya
