Hooyada Dhashay Muwaadin Ay Xukuumada Somaliland Udhiibtay Dalka Jabuuti Oo Markale Fariin Qiiro Leh Udiray Madaxwayne Muuse Biixi”Daawo Muuqal
December 26, 2020 - Written by admin
“Hooyo La Dulmay baan Ahayn Oo La Midab Takooray Inankeediina Loo Dhiibay Dalka Jabuuti”Faadumo Fariid.
Gabiley(Berberatoday.com)-Hooyada dhashay Cabdilaahi Sheikh Cabdiraxmaan Oo Ah Muwaadin udhashay Somaliland islamarkaana Xukuumadii Axmed siilaanyo hore ugacan galisay dalka jabuuti kuna xidhan mudo todoba sano islamarkaana uu madaxwayne muuse biixi hore usheegay in ay dawlada jabuuti kala hadleen xadhigiisa iyo sidii loo soo furdaamin lahaa ayaa markale fariin murugo leh udiray madaxwaynaha Somaliland oo ay ka codsatay in uu inankeeda sharcidarada lagu dhiibay dalka Jabuuti usoo daayo maadama oo hada ku sugan yahay dalka jabuuti.