Xukuumadda Somaliland Oo Ku Faantay Inay Dedaal Ku Xakamaysay Xanuunka Covid_19
December 28, 2020 - Written by admin
Hargeysa(Berberatoday.com)-Agaasimaha guud ee Wasaaradda horumarinta Caafimaadka Somaliland Dr Maxamed Cabdi Xargeeye ayaa ka xog-warramay xaaladda caafimaad ee dalka, Xukuumadda ahaan siday uga hawl-galeen xanuunka Covid_19, iyo waxaa lagu xasuusan doono Sannadkan sii galbanaya ee 2020.
Agaasimaha guud ee Wasaaradda horumarinta Caafimaadka Dr. Maxamed Cabdi Xargeeye oo u warramay Wargeyska Geeska Afrika ayaa ugu horeyn hadalkiisa ku bilaabay “Sannadkan 2020 waa sannad in badan la xasuusan doono, waa sannad dad badani dhinteen, una dhinteen xanuunka sida deg-deg ah u faafaya ee Covid_19, waa sannad uu dhaqaalihii adduunku hoos u dhacay, maadaama isku socodkii Wadamadu la joojiyey, oo waddan kastaaba dadkiisi xayiraad ku soo rogay, si loola tacaalo faafista xanuunka Covid_19”.