berberatoday.com
Hooyadii Danyarta Ahyd Ee Tobanka Sanno Dhul Ay Lahayd Cashuuraysay,Maxkamada Hargeysi Maxay Ku Tidhi Saaka.?Sharmaarke Cumar.
December 28, 2020 - Written by admin
Hooyo Aamina maxamed cismaan oo loo garan ogyahay(Aamina-jillaw)ayaa dhul ay lahyd muddo toban sanno ah,dhawaan loo sheegay inuu yahay danguud(wax dadka ka dhaxeeya),dhulkaasi oo siday ii sheegtay ay cashuurta ka bixin jirtay muddo sideed sanno ah,halka labadii sanno ee u danbeeyay ay subax kasta maxkamada hargeysa ugu soo kalihi jirtay dhicinta dhulkeeda oo lagu war galiyaya inuu yahay danguud.
Hooyo aamina waxaan shaqsiyan kula kulmay maxkamada hargeysa ilaa saddex jeer oo aan hawllo shaqo(duubis warr)u gallay maxkamada hargeysa, iyadoo intaasiba aan maalin kasta arki jiray aamina oo la taagan niman u sheegi jiray inay dhulkeeda uga soo dhicin doonan kana soo saari doonan danta guud ee la galiyay,iyagoo sidoo kalle ay aamino oo aan hanti balaadhan lahayni ay maalin kasta laalushi jirtay ragaas.
Hooyo aamina ayaa ah hooyo haysta saddex caruura oo laba waal-waalan yihiin halka uu midna naafo yahay oo uu sariir yaal yahay,sidoo kalana aanu noolayn saygeedi oo uu waa hore geeryooday,waxaanay hooyo aamina saaka ii sheegtay inay dhulkeeda malintii u horeysey ee uu khal-khalka gallay uu si toosa ugu yimid gudoomiyaha degmada ibraahim koodbuur ee magaalada hargeysa,isagoo markaasi wattay ciidamo boolis ah oo tirro badan kuwaasi oo qoyska aamina ku war galiyaya inay dhulkan seeska ka dumin doonan ilaayo amar danbe moyee.
“Waan yaabay oo waxaan islla subixiiba waraaqahaygii kula kalahay dawllada hoose ilaa xitaaa kuwii aan dhulkayga ku cashuuri jiray anigoo markaasi ku kalsoona doucuments,ka aan watto oo saxeex ahaa.balse miyaan isllahaa waraqahaga lagugu hor gubi doona,oo miyaaban ka war qabay inay dhulkayga damac ka gallay qaar kamida ehelada amaba familyga maayir caasimada hargeysa solteeco”ayay tidhi hooyo aaamina.
Sadexdii cisho ee ugu horeeyay ayaa si naxariis leh ay iila hadli jireen dad ii sheegi jiray inay yihiin ergo maayir ka ka socotay,waan yaabi jiray oo waxaan dhihi jiray isagu muxuu kusoo hor istaagi la,yahay iyadoo markaasi layga codsan jiray maadama uu yahay dhulkani dhul wajahaadi badan leh inaan ka iibiyo oo aan lacag qaato,ballse tirro saddex jeer ah ayaan ka diiday niman ergo ka ahaa oo iyaga laftoodu rabay dhulkaba isla markaana ay family dhaw yihiin maayir solteeco.ayay tiidhi hooyo aamina.
Hooyo aamina ayaa tidhi Hadalkii iigu la yabaabka badnaa ee aan saaka ka maqlo maxkamada hergehsa wuxuu ahaa”dhulkan kaagi maaha mana lihid adigu ee dhulkaagi tag” waa run oo aniga iyo caruurtayda oo aan waxba ii qaban karinba ma nihin beelaha soomaliland tunka wayn kuleh oo anig waxaaban kasoo jeeda galbeedka magaalada gaalkacyo,qassab ayay maanta igu noqotay inaan muddo laba sano ah ka dib maanta qaato lacag yar oo aan ahayn tii u qalmaysay dhulkayga.
X/ Sharmaarke cumar.

COMMENTS
- A. N. & Horumarka
- Afka Hooyo
- Afnugaal
- Aftahan
- Alaybadday
- Aljazeera
- Aljzeera English
- Allaybday
- Almisnews
- altaqwaa
- Amiin Caamir
- Araweelo News
- ASKAR'S BLOG
- awdalpost
- BBC SOMNALI
- Berberatoday
- Berberapress
- Burao university
- Burco Online
- Caroog
- djiboutimedia.com
- Djiboutination
- durdurnews
- Farshaxan
- Gabileynews
- Gabiley24
- GabIleytoday
- Gamuur Trading Company
- Gardo
- Geeska.net
- Goljano
- haatufnews
- Hadhwanaagnews
- Hayaannnews
- hornjobs
- Hubaalmedia
- Hargeysa-online
- hoyga suugaanta
- jamhuuriya news
- Murtimaal
- Ogaalnews.Net
- Oodwayne News
- puntboys
- qarannews
- Qodaalnews
- Qtlhost Website
- Raadtv international
- Radio somaliland
- Radio Timacade
- Radiohargeysa
- RadioHargeysa24
- Ramaasnews
- Saaxilnews
- SalalNews
- Sallaxlaynews
- Sanaag.org
- Sanlaawenews
- sdwo
- sheekhumal.net
- Somalilandpress
- Somdaily.com
- Somaligoal.com
- Somaliweyn
- sooyaal
- Timacade News
- TogaHerer
- Togdheernews
- tvSomalilandEurope
- Waaheen
- Wanaagfaris
- warya Tv
- Watershed Legal Service
- WAJAALENEWS
- www.caalaminews.com
- www.radiohargaysa.net
- www.Timacade.com
- Xidigtanews
- XOGDOON NEWS
- Xoriyonews