Guddiga Wanaag-farista Oo Sheegay Inay La Dagaalami Doonaan Xafladaha Ay Lamaaneyaashu Qabsadaan Meherkooda Ka Hor
January 1, 2021 - Written by admin
Hargeysa(Berberatoday.com)-Guddida Wanaag-farista iyo Xumaan reebista Somaliland, ayaa sheegay inay wax ka qabteen dhaqan-xumo ay tilmaameen inay dalka ku soo kordhayaan, waxaana ay guud ahaan Shacabka reer Somaliland uga digeen inay ku kacaan wax kasta oo lid ku ah dinta iyo dhaqanka.
Guddoomiyaha Gudidda wanaag-farista iyo xumaan reebista ee Degmada 26 june Barre Carab Cabdilaahi, ayaa ugu horeyn isagoo ka hadlay dhaqan-xumada ay wax ka qabteen i wuxuu yidhi “Waxaynu nahay dad islaam ah oo ILLAAHAY karamaayey, sidaas darteed haddii aynu nahay umadda Nebi Muxamed nabadgalyo iyo naxariisi korkiisa ha ahaatee ummadaha kale waxaynu kaga fadli badan nahay, wanaagana waynu is farnaa, xumaantana waynu iska reebnaa, sidaas awgeed haddii aanu nahay Guddida wanaag farista iyo xumaan reebista ee Gobolka Maroodi-jeex iyo Degmada 26-june ba, wax badan oo diinteena iyo dhaqankeena lid ku ah ayaanu wax ka qabanay, waxaana ka mid ah in aanu wax ka qabanay isla joogta habeenkii meelahaas isla jooga ee u badan dhalinyarada, ee iskugu jira habalaha iyo inamada, kuwaas oo aan ALLE isku banayn,waxaanu sidoo kale wax ka qabanay dad iyagu ku kacay dhaqan xumo siday doonaan ha ugu kacaane, sidaas darteed waxaa la inooga baahan yahay inaynu aad iskaga ilaalino wax kasta oo lidi ku ah diinteena iyo dhaqankeena”.