Dhacdo Na Kala Qabsatay Aniga Iyo Wiil Uu Dhalay Madaxwaynaha Somaliland Muuse Biixi”Madaxweynaha Oo Aabahaya Su.aal Ma Weydiin Kartid”Waxaa Qoray Guuleed Weriye Ilkacase
January 2, 2021 - Written by admin
Waxaa qoray weriye Ilkacase ” Dhacdo na kala qabsatay aniga iyo Wiil uu dhalay Madaxwaynaha Somaliland Muuse Biixi “
29 bishan aan ku jirno waxa Gobolka Gabiley soo gaadhay gaar ahaan dagmada Agabar madaxwaynaha Somaliland iyo wafti uu hogaaminayo oo safar dhulka ah kaga yimiday dalka Jabuuti
Madaxwaynaha iyo waftigiisa waxa lagu soo dhaweeyay Dagmada Agabar xaflada soo dhawaynta madaxwaynaha oo ka dhaceay xarunta maamulka Dagmada ayaa halkaa waxa laga jeediyay hadalo kala duwan, goobtana waxa ku sugnaa warbaahin badan oo aan ka mid ahay anigu
Markay qudmadihii dhamaadeen waxaan isku daynay ka warbaahin ahaa inaan Madaxwaynaha su,aalo ka waydiino safarka uu kaga soo laabtay dalka jabuuti si aan bulshada ugu soo bandhigno waxyaabaha ay ka soo wada hadleen labada Madaxwayne ee Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle iyo Madaxwaynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi
Inta badan bulshada reer Somaliland ayaa u dhaqtaagaysay Safarka madaxwaynaha oo wararka qaar sheegayeen in labada madaxway ne kala sexeexdeen heshiish ceelal biyo ah Jabuuti kaga qodonayso Somaliland
Hadaba si aan warkaa heshiishka aan u xaqiijino waxaan anigu isku dayay inaan madaxwaynaha su,aal waydiiyo lkn se madaxdii joobta joobtay ayaa su,aashii iga qabsaday waana iska daayay haba iga qabsadaan su,aasha madaxda goobta joogtaye,
Waxa mar kaliga soo booday Wiil uu dhalay madaxwaynuhu oo waftiga qayb ka ahaa isaga oo hadalka kor u qaadaya oo leh su,aal ma waydiin kartid
intaa ka dib wuuba ii yeedhay wiilka madaxwaynuhu oo lagu magacaamo Axmed Muuse Biixi waxana uu igu yihi “Waxaad iska leedahay Su,aal waxaa ha ula iman maalin danbe “uma jawaabin sobobta oo ah waxa uu wadatay ciidan aad u tiro badan oo isaga ka amar qaadanaya waxaan u boqay lafahayga in ay wax ii gaadhsiiyaan
Hadaba waxa aan bulshada reer Somaliland waydiinayaa maanan wax u lahayd inaan madaxwaynaha Su,aal waydiiyo se ma waxaan u dooranaynay inuu madaxwaynuhu qoyskiisu wadanka xukumaan mise inuu isagu xukumo se sharcigu ma dhigayaa in Saxafi madaxwayne su,aal waydiinaya Wiil uu dhalay oo la socda uu u diido uguna hanjabo wax su,aal ah ma waydiin kartid
Hore ayuu madaxwaynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi u balan qaaday inaanay qoyskiisa talada wadanka qayb ka noqon doonin lkn waxa is waydiin mudan maxaa xiligan madaxwaynaha qoyskiisa soo dhex galiyay oo ay bulshada doortay uga dhaxaynayaan.