Maxkamadda Sare Somaliland Oo 81 Dacwadood Ka soo Garnaqday Muddo 15 Cisho Ah, Oo Ay u Guurtay Gobolada Bariga Dalka.
January 2, 2021 - Written by admin
Maxkamadda Sare Ee Jamhuuriyadda Somaliland ayaa kow iyo Sideetan (81) dacwadood ka soo garnaqday Muddo 15 cisho ah, oo ay u Guurtay gobolada bariga Dalka!
Hargeysa(Berberatoday.com)-Wafti uu hoggaaminayay guddoomiye ku-xigeenka Maxkamadda Sare Maxamed Cumar Geele oo ka koobnaa 9 garsoore iyo 6 kaaliye oo uu wehelinayo hal-xeer-iaaliye guud, oo ka socday xafiiska xeer-ilaalinta guud ee qaranka, ayaa safar shaqo oo qaatay 15 cisho ku tagay gobolada Saaxil, Togdheer iyo Sanaag.
