“Waxaan Leeyahay Shacabka Somaliland, Cidii Dhibsatay Hadalka Madaxwaynaha, Raali Ka Ahaada”Caaqil Maxamed Cabdi Qawdhan.
January 3, 2021 - Written by admin
Hargeysa(Berberatoday.com)-Caaqil Maxamed Cabdi Qawdhan oo kamid ah madax-dhaqameedka gobolka gabiley ayaa ka dareen celiyay hadalhaynta ka dhalatay khudbadii madaxwaynaha somaliland ka jeediyay markii safarkaga kaga soo noqday jabuuti degmada Agabar ee gobolka gabiley isagoo sheegay in aanu madaxwaynuhu ula jeedin reero cidii laga badiyay balse uu ula jeeday xisbigii laga guulaystay ismarkaana tafsiir khaldan laga bixiyay.
