War-bixin Sheegtay In Xukuumaddu Sannadkii dhamaaday 70.000 Kun Oo Dollar Ku Bixisay In Laga Difaaco Baraha Bulshada
January 4, 2021 - Written by admin
Hargeysa(Berberatoday.com)-Xukuumadda Somaliland ayaa la sheegay inay sannadkii dhamaaday ee 2020 lacag badan ku bixisay waxa loogu yeedho ‘Difaacidda Danaha Somaliland ee Baraha Bulshada’, taasi oo macnaheedu yahay in Dad si gaar ah loo Naasnuujiyey ay Xukuumadda ka difaacaan Baraha Bulshadu ku xidhiidho gudahooda ama in la aamusiyo Mareegaha Internet-ka, si aan wax looga qorin Xukuumadda.
Warbaahinta Somalilandchronicle oo uu Wargeyska Geeska Afrika soo xigtay, ayaa ku warrantay in sannadkii dhamaaday Wasaaradda Warfaafinta, dhaqanka iyo Wacyi-gelinta Somaliland ay lacag gaadhaysa 70.000 Dollar ku bixisay ‘Difaacidda danaha Somaliland ee baraha Bulshada’.